Madaxweyne Deni oo ka hadlay geerida Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Geerida Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goor dhoweyd caabuqa Covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda, kan Shacabka Puntland & keygaba, waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweyne Deni sheegay in Wasiir Gama’diid uu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland ee ka tirsanaa Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray inuu tiiraanyada Geerida Wasiirka la qaybsanayo Goleyaasha maamulkiisa gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, isagoo Alle uga baryay inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -